Ardooy
ARDOOY, 22-05-2005
Maansadan yari waxay ahayd maalin baa aniga iyo gabar aannu si qaraabo u ahayn oo kaftamayna ayey igu tiri walaalow waadiga gabayada tiriyee ii tiri gabay duco ah, anna kaftankii baan ku yara godoo, waxan shardi uga dhigay in ay
beesha ila caydo taas oo aan lahaa bal yara dareensii xumaanta qabaliyada, iyadiina tiri oo maxaan ku caayayaa, anna iri iska daa haddaba duco ma rabtide, balse markii ay cabbaar yara jeesjeesatay tiri bal waa yahay waan iskala kaa caayi, adigaana mas'uul ka ah wixii dembiya, markaa ayaan iri haddaba intii hadhowto nala wada tuuryeyn lahaa iska daaye, labadan neef ee idaha ah ee adiga guriga kuu jooga xannaanee oo u naxariiso intaas baan ku beddeshaye, waana tan maansadii yareyd:
Adigay dardaarmoo ardoy ii ducey yiriye laba daran middood dooro baa deegta noo surane haddii aan dureershee ducada kugu dul miisaamo adna aad dameer iyo dugaag ciis u dacayeydo ciddu inay ka diirtoy dagaal nugula soo duusho on hadhow dariiqaas dig iyo dood la mari weyno iyo inan ducada daysto ood ciiska darajeydo labadaa ayey doorantehe deyso hadalkaaga! Dib haddaan u soo laabto ee dulucda sii aado inkastoodan ii dirin ducaan gaar u dacaleeyo dabcan deelka waan kuu maraa kuuna daabiciye balse dano kalaan leeyahoon taa ku doorsaniye waa inaad idaha daajidiyo nayshan daballaaya iyo hooyadeed daynaboo dayrta dhali doonta! Haddii aad docdaas yeeshidood diidey oraneynin soo duwo farqaha doogo oo ducada miisaamo! Dareen iyo habaar daalay iyo belo dabayshayda inta diiratiyo duul wax dhiba dunida sii joogey iyo qaar damboo debin kaliyo doobba iman doona eebbahey darfaha kaa mariyo meelo kaa durgsan.