Ab horaa inkaaroo ku riday, 19-09-2020

Gabaygan Ab horaa inkaaray oo soo baxday 19-09-2020 waxay daba socotaa gabayga Abeeso, Facebook iyo Abeeso, qoraal, ee Abwaan Cabdullaahi Cabdi Faarax (Sujuud) oo sida muuqata nin uu Ehel & Saaxiib & Ibni aadam moodayey Abeeso & Abris ku noqday, markaa waxan iri: Abwaanow amuuraha socdiyo, Taaha iyo reenka, Adduunyaan la soo koobi karin, umalka keedaahe, balse Aafadaa gabaygu uu, iba tilmaamaayo, iimaanka duul beelay oo, Beerti urugeeda, iyo Qoom inkaar qaba ayaad, soo iclaamidaye, Dar Allaahi ku degoo u daa, Eebbe keligiisa, Sida aan dareemayo waxaa, uubta kuu qodaya, Ehel iyo qaraabiyo midaad, ina Islaam moodday, balse adiga kugu soo maqnaa, taniya uunkiisi, oo sidaad arzaaqdiis cunee, kugu abraaraahe, isu daa Allihi uuntay oo, garan abaalkiisa, Duul aan insaaniya lahayn, ama dareen diira, oo markaad horjoogaha u tahay, illinta daadaaya, oo ammaanta kuu tirinayoo, ooyin ku abaada, ilkuhuu caddeeyaa wanaag, uurku diidahayo, ayaantaadse yara liicdo oo, Cadow ku eedeeyo, Marqaatiga ibliis kugu furaa, baa adduun badane, waana sababta Naar loo unkoo, loo abaabulaye, Dar Allaahi ku degoo u daa, Eebbe keligiisa. Waxa aan la yaaboo arkee, dunida aafeeyey, Ahlu-naarka Jahannamo rabee, aayo laawaha ah, Dhuuni-qaate Shilin buu u dhiman, miyir u weynaahe, Qaar baa u caayaya Islaam, ceebna uga sheega, Jadiinkaa wixii uu marshee, Saxaro aadaaya, Ruuxa uurka xaaraan ku gura, ubucdu weynaato, Raalli gelin addoon buu ilaah, uga fogaadaaye, Alle idanki wuu eedayaa, Aabi ruux falaye, isu dey Allihi uuntay oo, garan abaalkiisa. Duulkaad abwaanow arkee, aragga koodaasi, Af-miinshaarka aadane sidiis, Maalinki u muuqda, marka uu mugdigu soo galana, duudka isu laaba, waa Aafo kuwo ay heshoo, Ehelu naarkiiye, waa abeeso Jilbis iyo Kobriyo, Ubad ibliisaade, Ab horaa inkaaroo ku riday, toban alhuumoode, in Xaqaaqu uu meel dhacayn, lihid ogaalkeede, isu dey Allihi uuntay oo, garan abaalkooda.