Aamina Muusaay (Aamino Asluuboy) - 27-10-2012
Aamina muusaay, Aamino asluuboy,
Asaaygaba aadkiis, Ooriduu Alle bado,
nin qurey u qaaddee!
balse ina Muusaay, welina inan lama arag,
Aqoontiyo ogaalkey, adi kaa horraysoo,
Ummad idil Hengeshiyo, asaygeeda xiratee,
aaminaay asluuboy, inantii Rikoorkaas,
awalkiisi jebisaay !
Hooyadey Aamino, ina Axmad Maxamuud,
Aamino Edbanna uu, Awowgey oran jirey,
inantaan Maqalkiyo, Araggeeda labadaba,
aan ku soo xusuustaay.
Asaydii ehelkeed, Soomaali idilkeed,
inantii u qaaddaay, ina Muuse Weheliye!
inatii Qabiil iyo, Ehel reer hebel iyo,
is jufaysi nacdee, Aafa laga koriyaay !
inantii Qarankiyo, Arladii asalkeed,
Calankii abkeed ee, Samadaa u ekaa,
goortey ooyeen, Jirku uu xanuunaay !
inatii farxaddaay, oogga waaberigiyo,
Roob aroor yimidaay !
Ugbaadkiyo udgooniyo, Ubax iyo fiiddaay !
iga hoo salaantii, uu lahaa Islaamkoo,
asalaamu calaykum!
hooyadaa Arxan badan, tii edebtaadiyo,
asluubtaada dhawrtoo, say kuu ilaaliso,
jacaylkaaga awgiis, Jiiqley u aaddiyo,
Beledweyne aaggiis,
ilaahey idankiis, meel aad joogtiin,
adigiyo iyadaba, iyo intad jeceshihiin,
Adduunkiyo Aakhiro, Alla haydin dhawroo,
haydin wada ammaansado.
AAMMIIIIIIN.
Wabillaahi Tawfiiq.